Muuse Biixi oo taliye cusub u Magacaabay Ciidanka Booliska Somaliland (Akhriso)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/XM/WM/222-375/112019 ayuu kun magacaabay taliyaha cusub ee ciidanka booliska Somaliland ka dib markii uu geeriyooday taliyihii hore, isagoo dhinaca kale xilka ka qaaday taliye ku-xigeenkii Booliska.

Waxay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland u leeyahay dhismaha iyo amniga Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda, iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

1-In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:Sareeye Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

2-Sareeye Guuto, Cabdi Xasan Mire Faarax Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Sarreeye Guuto, Faarax Maxamed Mire

Taliye Ku-xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland.

Mudane, Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii loo garto. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka ee Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com