Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlad aan looga baran oo shaacisay iney gargaar u soo direyso Soomaaliya

Dowlada Azerbaijan ayaa shaacisay inay diyaar u tahay inay caawiso Somalia oo wajahaysa xasarad insaan-nimo ka dib markii ay fatahaado ku dhufteen qaar ka mid ah gobolada dalka.

Wasiirka arrimaha Dibada ee dalka Azerbaijan Elmar Mammadyarov oo ka hadlay shirka heer wasiir ee Dalalka Islaamka ee Qadar ku qabsoomay.

Wasiirka ayaa sheegay inay daruuri tahay in xal waara loo helo qaxootiga dibedda iyo barakacayaasha gudaha Somalia.

“Waxaannu si wayn uga walaacsan nahay inay sii socoto dhibaatada aadminnimo ee Somalia,” ayuu yiri Mammadyarov oo eedda wax ka saaray isbeddelka cimilada oo aysan Somalia wax qorshe ka lahayn.

Azerbaijan ayaa sidoo kale sheegtay in jaamacadda ADA University ay deeqo waxbarasho siinayso ardayda Soomaaliyeed, iyadoo ka jawaabaysey baaq uu Turkigu u jeediyay dalalka Muslimka ah, isla markaana ka mid ah isbahaysi yare uu Turkigu sameeyay oo bilow ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Sida Quruxda badan ee magaalada Dhahar loogu soo dhaweeyay Saciid Deni

Cabdi Cade

Dowlada Mareykanka oo shaaca ka qaaday in ay ka baxday heshiiska Nuclear-ka ee INF

Cabdi Cade

Golaha Shacabka oo akhrinta labaad marsiiyay Hindise sharciyeedka Caddaaladda Da’yarta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---