Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka , gaar ahaan kuwa bambooyinka xooggan xambaara ee B-2 , ayaa caawa weeraro culus ku qaaday saddex xarumood oo la sheegay in ay yaaleen nukliyerka Iran.
Duqeynta , ayaa la sheegay in ay geesteen lix diyaaradood oo kamid ah kuwa B-2 , kuwaa horey loo sheegay in ay yihiin diyaaradaha kaliya ee fulin kara weerarada lagu qaadayo xarumaha nukliyeerka Iran ee kuyaalla dhulka hoostiisa.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa qoraalo uu soo saaray ku bogaadiyay weerarka caawa diyaaradahooda B-2 ku qaadeen xarumaha la rumeysan yahay in Iran u yaallaan hubkooda nukliyeerka.
Trump ayaa sheegay weerarka caawa ku qaadeen Iran uu yahay mid taariikhi u ah Mareykanka iyo Israa’iil, waxa uuna Trump ugu baaqay Iran in ay hadda kusoo laabato wadahadalada nabadda.
“Tani waa waqti taariikhi u ah Maraykanka, Israa’iil, iyo guud ahaan adduunka.…Iiraan waa in ay haatan oggolaataa inay dagaalkan joojiso.” Ayuu yiri Madaxweyne Trump.
Dowladda Iran , ayaa isha lagu hayaa jawaabta ay ka bixin doonto weerarkan Mareykanka ku qaaday saddex xarumood oo kuyaalla gudaha Iran, waxa ayna Iran horey ugu hanjabtay haddii Mareykanka kusoo biiro dagaalka in ay beegsan doonaan danihiisa bariga Dhaxe.