Dowladda Mareykanka , ayaa xal kale oon dagaal aheyn u raadineysa dagaalka u dhaxeeya Iran iyo Israa’iil, xilli laga cabsi qabo in Mareykanka dagaalka toos ugu soo biiro farahana ka baxdo xaalada.
Shabakadda wararka ee Axios, ayaa ku warramaysa inuu Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump la xiriiray Madaxweynaha Turkiga Rejeb Tayib Erdogan , si uu qeyb uga noqdo cal u helida dagaalka u dhaxeeya Iran iyo Israa’iil.
Trump , ayaa u sheegay Erdogan inuu Turkiga usoo diri doono madaxweyne ku-xigeenkiisa J.D. Vance iyo erayga Aqalka cad ee bariga dhexe , Steve Witkoff, si ay ula kulmaan saraakiisha Iiraan, iyadoo warbixinta sidoo kale lagu sheegay inuu Trump , xataa diyaar u yahay inuu u safro Turkiga , haddii uu la kulmayo madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian , si loo joojiyo dagaal uu Mareykanka qeyb ka noqon karo oo gaara guud ahaan gobolka .
Mareykanka iyo Israa’iil ayey lama filaan ku noqotay sida Iran isaga difaacday weerarka gardarada ah ee lagu soo qaaday, waxa ayna Iran ku guuleesatay in ay gantaalo ku duqeyso magaalooyinka Israa’iil iyaga oo jabiyay nidaamka difaaca ee Israa’iil ku faani jirtay.