Warbaahinta dalka Iran, ayaa baahisay in aysan khasaaro badan ka dhalan weerarkii dowladda Mareykanka ku qaaday saddex kamid ah xarumaha nukliyeerka ee dowladda Iran.
Warar soo baxaya, ayaa sheegaya in dowladda Iran mar horaba xarumaha nukliyeerka ee la weeraray ka qaaday hubka nukliyeerka, yuuraaniyoomta laga farsameeyo nukliyeerka iyo agabyo kale oo muhiim ahaa.
Sarkaal ka tirsan dawladda Iran , ayaa sheegay in waqti hore la faarujiyay xarunta nukliyeerka Fordow iyo xarumaha kale oo aysan jirin wax khasaare weyn oo weerarrada Mareykanka ku qaadeen ay xaruntaa gaarsiiyeen .
Dowladda Iran, ayaan wali faahfaahin rasmi ah ka bixin khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday xarumaha nukliyeerka , waxaana socda sida warbaahinta Iran tabiyeen qiimeynta khasaaraha ka dhashay weerarka .