Allbanaadir.com
NEWS

Tiro Madaafiic ah oo saakay lagu garaacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho

Waxaa saakay shacabka magaalada Muqdisho qaarkood maqlayateen madaafiic kusoo dhaceysa qaar kamid ah degmooyinka caasimadda, waxa ayna madaafiicdan cabsi badan ku beereen dadka shacabka.

Madaafiicda ayaa xoogooda laga maqlayay degmooyinka Kaxda, Dharkeenley iyo Wadajir, waxa ayna ku dhaceen madaafiicdaasi xaafado katirsan degmooyinkaasi, iyadoona meelaha qaar la sheegayo in ay jiraan khasaaro.

Sida aan wararka ku helnay madaafiicda qaar ayaa lagu tuurayay xerada ciidamada Turkisom iyo sidoo kale goobo kale, waxa ayna inta badan madaafiicda ku dhaceen xaafado shacab iyo dhul bannaan.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdan saakay kusoo dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho, laamaha ammaankaa ayaan sidoo kale ka hadlin madaafiicdan iyo khasaaraha ka dhashay.

Al Shabaab ayaa inta badan sheegata masuuliyada weerarada madaafiicda loo adeegsado ee ka dhaca magaalada Muqdisho, waxa ayna madaafiicdan inta badan waxyeelo u geesataa dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) RW Xamse oo guddoomiyay kulan looga hadlay diyaar garowga ku biirista EAC

Caydiid Ali

Falastiini Hubeesan oo toogasho Yahuud badan lagu dilay ku qaaday Goob Macbad ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Ma sii wadanayaa shaqadiisa Wakiilka QM ee Somalia Nicholas Haysom (Daawo Muuqaal)

admin
Taboola Ads ---