Allbanaadir.com
NEWS

Maxuu u adeegsaday Mareykanka weerarkii ay ku qaadeen Iran ?

Mareykanka , ayaa duqeymo culus ku garaacay dalka Iran , gaar ahaa saddex xarumood oo la sheegay in ay yaaleen nukliyeerka Iran, waxaana duqeymahan ka dhashay khasaarooyin aan wali la shaacin inta ay la egyihiin.

Weerarka Mareykanka ku qaadeen dalka Iran ayey u adeegsadeen diyaaradaha dagaalka casriga ee loo yaqaan B-2, kuwaas oo xambaara gantaalo aad u culus oo gaari kara xarumaha kuyaalla dhulka hoostiisa.

Mareykanka, ayaa sidoo kale xarumaha nukliyeerka Iran ku weeraray gantaallada riddada dheer ee nooca BGM-109 “Tomahawk”, kuwaas oo laga riday maraakiibta quusa ee ciidamada badda Mareykanka oo ku sugan Bariga Dhexe.

Warbaahinta dalka Mareykanka, ayaa baahiyay in  weerarrada Mareykanka uu ka gaystay xarumaha nukliyeerka Iran, kaliya in aysan fulin diyaaradaha B-2 oo ay ka qaybqaateen maraakiibta gujiska ah ee quusa.

Dowladda Iran , ayaa xaqiijisay in Mareykanka weerar ku qaaday xarumahooda nukliyeerka, waxa ayna Iran ku hanjabtay in jawaab deg deg ah ka bixin doonto weerarka uu Mareykanka kusoo qaaday.

Related posts

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay qorshaha howlgalka cusub ee AUSSOM

Cabdi Cade

Weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay Tel Aviv

Caydiid Ali

Maamulka Dowlad Degaanka Soomaalida oo sheegay iney fashiliyeen afgembi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---