Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo si adag u beenisay War laga faafiyay Markab kusoo xirtay Kismaayo (Sawirro)

Baraha bulshada iyo warbaahinta qaar ayaa lagu baahiyay warar sheegayay in markab lagu magacaabo Diamon SKY oo laga leeyahay wadanka Nepal dhawaana Kismaayo keenay Shamiindo lagu rararay dhuxul .

Markabkan oo u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed ayaa maalmo kahor kusoo xirtay dekadda magaalada Kismaayo, waxaana markabkan markii laga dejiyay shamiindada la sheegay in lagu raray dhuxul loo iib geenayay dalka Iran.

Maareyaha guud ee dekedda Magaalada Kismaayo Axmed Xaaji Aadan oo warbaahinta kulay hadlay markabka dushiisa xili uu shiraacanayay ayuu beeniyay warka la faafiyay, waxa uuna warbaahinta tusiyay markabka oo xiligaasi ahaa mid faaruq ah.

Waxa uu sheegay maareeyaha dekadda Kismaayo in habayaraatee dekkada aan marnaba laga dhoofin dhuxul, waxa uuna sheegay in warkaasi faafiyaan dad dano gaar ah leh uu tilmaamay in ay neceb yihiin horumarka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa marar badan lagu eedeeyay in dekadda Kismaayo ka dhoofiyeen dhuxul, waxaana dhuxushaasi dhaqaalaha kasoo xarooda la sheegay in ay qeybsadaan maamulka Jubbaland, ciidamada Kenya iyo Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shariif Xasan oo goordhaw Wariyaasha isugu yeeray iyo Warar kala duwan oo…

Cabdi Cade

Daawo Sawirada :Safaaradii Eritrea ku laheyd Itoobiya oo Muuqaalkeeda uu doorsoomay

Cabdi Cade

Madaafiic maanta lagu garaacay Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---