Madaxtooyada Somalia oo War ka soo saartay Suxufiyiin lagu jirdilay Muqdisho

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in la xiray askar ka tirsan ciidamada dowlada oo si xun ula dhaqmay suxufiyiin ka tirsanaa telefishinka Al-Jazeera oo ka howlgalayey magaalada Muqdisho.

Suxufiyiintan ayey wararku sheegayan in shalay galab ciidamo ka tirsan dowlada ay ku jirdileen meel ku dhow isgoyska Zoope, iyagoo dhibaato u geystay qalabkii ay ku shaqeynayeen.

“Waxaa goor dhaw xabsiga la dhigay labo askari oo ka tirsan Ciidamada Booliiska kuwaasoo si aan sharci waafaqsanayn ula dhaqmay suxufiyiin ku guda jiray hawl maalmeedkooda, waxaana Talisku Boolisku ballan qaaday in ay sharciga lala tiigsanayo askarta xiran” ayuu yiri agaasimaha.

Waxaa uu soo hadal qaaday agaasimuhu dhacdo noocan oo kale ah oo dabaqaayadii bishii hore lagula kacay kooxo Suxfiyiin ah oo war ka tebinayey dibed bax ka socday Km4 kuwaasoo ciidamo ka tirsan boolisku xireen inkastoo saacado ka dib la sii daayey.

“Waxaa jiray fal noocan oo kale ah oo wariyeyaal lagula kacay 27-kii bishii hore kaddib markii xarig iyo handadaad la isugu daray” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed.

Ciidamada Qalabka sida ayuu sheegay inay mudan yihiin in lagu bogaadiyo, laguna garab istaago hawlaha sugidda amniga, balse waxaa loo baahan yahay buu yiri inay ka fogaadaan falalka lidka ku ah dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

“Wariyuhu waa muwaadin la xuquuq ah shacabka kale. Waa la dacweyn karaa, isaguna waa dacwoon karaa, balse waan in xarig kasta loo maraa sifo sharci ah, Booliiskuna waa inuu haystaa warqad ogolaansho, Waxaan ka raalli galinaynaa guud ahaan bahda saxaafadda, gaar ahaan wariyeyaashii dhibaatooyinka la gaarsiiyay, waxaana qaadeynaa tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo badqabka wariyeyaasha iyo ilaalinta xuquuqaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin” ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -