Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Taliyaal Ciidan (Akhriso Digreeto)

Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu magacaabay taliyaasha ciidamada booliiska ee Gobolada Sanaag iyo Nugaal.

Madaxweyne Deni ayaa u magacaabay G/Dhexe Bashiir Cali Maxamed
Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sanaag ,halka G/Dhexe Muumin Cabdi Shire isna loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Halkan ka Akhriso labada Wareegto ee lagu magacaabay Taliyaashan 

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-78 Oktoobar 05, 2019 ku magacaabay Taliya Qaybta Booliska gobolka Sanaag.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey

1. Waxaa G/Dhexe Bashiir Cali Maxamed loo magacaabay
Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sanaag

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu

Digreetada kale

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-79 Oktoobar 05, 2019 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey

1. Waxaa G/Dhexe Muumin Cabdi Shire loo magacaabay
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

 

Related posts

Ragii kufsiga iyo Dilka u geestay Caaisho Ilyas oo saakay mar kale Xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Milatariga Sudan oo shaaciyay in Xilka laga tuuray Al Bashiir Xabsina loo taxaabay (Akhriso Go’aano Adag)

Cabdi Cade

Trump oo soo rogay xeer ka nixiyey qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---