Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Trump oo soo rogay xeer ka nixiyey qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Maraykanka

Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa madaxweyne Donald Trump u ogolaatay inuu dhaqan gelin karo qorshe uu ku doonayo in dadka qaata kaalmada dowladda loo diidi karo sharciga deganaanshaha Mareykanka, inta uu ka soo baxayo xeer kama danbeys ah.

Go’aanka ay maxkamaddu gaartay ayay dowladdu u cuskan kartaa in sharciga loogu diido dadka hela, kaalmooyinka ay ka midka yihiin, caymiska caafimaad, lacagaha cunnada lagu iibsado ee ay dowladdu ku kabto qoysaska dan yarta ah iyo kaalmada guryaha.

Xeerka oo weli ay maxkamaddiisu taagan tahay ayaa waxaa durba ka so hor jeestay kooxaha u dooda xuquuqda dadka dhawaangalka ah.

Qorshahan ayaa haddii la dhaqan geliyo saameyn adag ku yeelan kumanaan qof oo ay ku jiraan Soomaalida dalkaas ku nool qaarkood oo ku nool lacagaha ay dowladu ku kabto qoysaska danyarta ah.

Madaxweyne Trump ayaa mudadii uu xilka hayey soo rogay xeerar ka dhan ah dadka soo galootiga ah ee dalkaas ku nool, isagoo mamnuucay dadka ka yimaada dalal dhowr ah oo ay ku jirto Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

J/Carabta oo bayaan ka soo saartay xiisada Siyaasadeed ee ka aloosan Somalia

Caydiid Ali

Dowlada oo amarro culus oo is qilaafsan kasoo saartay COVID-19 shegtayna in la joojiyay waxyaabo badan !!

admin

Daawo Sawirada: Soomaali badan oo laga soo daayay Xabsiyada Liibiya oo saakay Muqdisho la keenay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---