Ragii kufsiga iyo Dilka u geestay Caaisho Ilyas oo saakay mar kale Xukun adag lagu riday

Maxkamada Racfaan gobolka Nugaal ee maamulka Puntland ayaa saakay mar kale u fariisatay Dacwada kiiskii dilka iyo kufsiga ahaa ee magaalada Gaalkacyo loogu geestay Caa’isha Ilyas oo 12-sano jir aheyd.

Raga loo heesto dilka iyo Kufsiga Caa’isha Ilyas ayaa xukunkii hore ee Maxkamada darajada koobaad ee gobolka Nugaal ku riday ka qaatay Racfaan, waxaana mar kale dacwada ragaasi loo gudbiyay Maxkamada Racfaanka gobolka Nugaal.

Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Maxkamada racfaanka gobolka Nugaal ayaa dhageysi dheer kadib kiiska sadexdan nin lagu soo oogay ku raacday Xukunkii dilka ahaa ee sadexdan horey ugu riday Maxkamada darajada koobaad, waxaana mar kale kiiskan loo gudbinayaa Maxkamada sare ee Puntland

Sadexda nin ee mar kale xukunka dilka ah lagu riday ayaa kala ah  Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo 34 jira ah, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame 24 jir ah iyo Cabdishakuur Maxamed Dige Shiine oo 43 sano jir ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -