(Sawirro) Maxkamada amartay duminta kaniisad laga dhisay dhul ay leeyihiin dad Muslimiin ah

Maxkamada Xuquuqda aadanaha ee Yurub ayaa dowlada Bosnia ku amartay in la dumiyo kaniisad si sharci daro ah looga dhisay dhul ay lahaayeen da muslimiim ah.

Dagaaladii sokeeye oo dalka Bosnia ka socday intii u dhaxeysay 1992 ilaa 1995 ayaa sababay in si qasab ah deegaankoodii looga qixiyo qoyska haweeneyda lagu magacaabo Fata Orlovic, oo ah haweeneyda dacwada maxkamada ku soo oogtay dowlada Bosnia.

Dhulkii qoyskii lahaa laga qixiyay oo ku yaalla tuulada Konjevic Polje ee dhacda bariga dalka Bosnia waxaa si sharci daro ah looga dhisay dhisay kaniisad masiixi ah.

Fata iyo 13 xubnood oo qoyskeeda ka tirsan ayaa ilaa sanadkii 2000 waday dacwad ay ku codsanayeen in dhulkooda dib loogu soo celiyo, lagana dumiyo kaniisada laga dhisay.

Tuulada Konjevic Polje ayaa u dhow magaalada Srebrenica oo ah goobtii lagu xasuuqay 8000 qof oo muslimiin Bosnian ah Waxaana dadka xasuuqaas lagu dilay ka mid ahaa ninkii qabay Fata Orlovic oo ah haweeneyda dacwada ku guuleysatay.

Maxkamada ayaa qoyskaas ugu dambeyn u xukuntay codsigooda, waxaana dowlada Bosnia lagu amray inay kaniisadaas ku dumiso mudo sadex bilood gudahooed ah. iyadoo sidoo kale qoyskaas loo xukumay magdhow lacageed oo gaaraya 5000 oo Euro oo magdhow ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -