Milatariga Sudan oo shaaciyay in Xilka laga tuuray Al Bashiir Xabsina loo taxaabay (Akhriso Go’aano Adag)

Milatariga dalka Sudan ayaa xilka ka tuuray Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir oo mudo 30-sano ah hayay talada dalka Sudan, waxaana ugu dambeyn Al Bashiir maanta si qasab ah looga tuuray talada .

Wasiirka gaashaan dhigga ee dalka Sudan Cawad Ibnu Cawf oo sidoo kale ah madaxa taliska milatariga ayaa shir jaraa’id oo si weyn loo sugayay goor dhaow ku sheegay in xilka laga qaaday Al-Bashiir isla markaana xabsiga loo taxaabay.

Waxa uu sheegay Wasiirka   in dalka la galinayo 3 bilood oo xaalad deg deg ah isla markaana muddo 2 sano ah ay milatariga xukunka waddanka sii heyn doonaan, ilaa inta doorasho xor ah laga sameynayo.

Milatariga Sudan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xabsiga laga sii deyn doono dhamaan dadka u xiran siyaasada ay xabsiga dhigtay Dowladii uu Madaxda ka ahaa Madaxweyne Al Bashiir.

“Guddiga sare waxay go’aansadeen inay ku dhawaaqaan in dalka ay ka jiri doonto dowlad kumeel gaar ah muddo 2 sanno ah, militariga ayaa si rasmi ah ula wareegaya awoodda iyagoo matalaya shacabka reer Suudaan” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Suudaan.

Cumar Al-Bashiir ayaa xukunka dalka Suudaan heystay ku dhawaad 30, isagoo xilkaas qabtay ka dib markii afgambi aan dhiig lagu daadinin xilka looga tuuray hoggaamiyihii hore ee dalkaas.

Halkan ka Akhriso go’aanada Milatariga kasoo baxay

• Waxaa talada laga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir oo 30 sanno maamulayay dalka suudaan
• Waxaa la’laalay dastuurka dalka suudaan
• Waxaa la kala diray golaha baarlamanka iyo kan wasiirada
• Waxaa la’casilay dhamaman madaxda maamul goboleedyada dalka Suudaan
• Dalka waxaa lagu soo rogay xaalad deg deg ah oo sadex bilood socon doonta
• Waxaa magaalooyinka dalka suudaan lagu soo rogay Bandow
• Muddo laba sanno ah waxaa maamulaya dalka Suudaan Guddiga amniga ee ka kooban Saraakiisha Milataarka
• Waxa la’xannibay duulimaadka soo gala ama ka baxa dalka suudaan
• Waxaa la’amray in xabsiyada laga sii daayo Maxaabiista siyaasadeed ee xiran
• Guddiga waxa waajibiyeen in Safaaradaha Suudaan ay shaqooyinkooda sii wataan
• Waxaa sidoo kale Garsoorka iyo Maxkamadda sare ee dalka la’amray in ay shaqooyinkooda sii wataan
• Waxaa la’amray dhammaan maleeshiyaatka hubeeysan in ay ku biiraan ciidamada ammaanka
• Ciidamada ammaan waxaa la amray in ay u istaagaan xaqiijinta amniga Muwaadinka suudaan
• Waxaa la’amray xabad joojin ka dhqan gasha dhammaan dalka suudaan

Waa qaar ka mid ah qodobada ay soo saareen guddiga amniga milataarka suudaan ee talada ka tuuray Madaxweyne Cumar Al-Bashiir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -