Xasan Sheekh oo Su’aal galiyay Cida ay yihiin Xoogaga Wadaniyiinta Soomaaliyeed

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeesay ka hadlay waxa ay yihiin koox ay aas aastay Madaxtooada Soomaaliya oo loo bixiyay magaca Xoogaga Wadaniyiinta Soomaaliyeed.

Hadal heyta kooxdan ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn loo dareemay kadib markii la shaaciyay in ay wadaan abaabulka banaan bax looga soo horjeedo Madaxdii hore ee dalka sidoo kale lagu taageerayo Madaxtooyada Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa isweediiyay waxa ay yihiin iyo cidana ay katirsan yihiin xoogaga Wadaniyiinta Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in dalku leeyahay afar ciidan oo lawada yaqaan.

“Baryahaan waxaan maqleynay kuwa leh xoogag wadaniyiinta dadka soomaaliyeed dhamaantood waa wadaniyiin,marka xoogaga wadanioyiinta ee la sheegaayo xagey ka tirsan yihiin,shaqaalaha dowladda miyaa,Ciidan miyaa,Bulshada rayidka miyaa,astaamo aan wanaagsaneyn ayaa ii muuqda ee dowladda waxaa laga rabaa ha sharciyeyso ayuu yiri”Xasan Sheekh Maxamuud.

Xoogaga Wadaniyiinta ayaa Wakiilo ku leh degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana kooxdan aas aastay Madaxtooada Soomaaliya, waxaana kooxdan lagu tilmaamaa Guul Wadayaal iyagoona ka qeybta qaata banaan baxada iyo xafladaha dowlada lagu taageero.

 

- Advertisement -