Masuul katirsan maamulka Jubbaland oo loo diiday in uu ka dhoofo garoonka Aadan Cadde

Ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee ka howlgala garoonka Diyaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in is hortaag ku sameeyeen Gudoomiyaha degmada Garbahaarey ee maamulka Jubbaland xili uu garoonka ka dhoofi rabay.

Guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, Iimaan Cadow Karshe oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay howlo caafimaad u joogay Muqdisho balse markii uu damcay in uu baxo loo diiday in uu dhoofo.

Waxa uu sheegay Iimaan Cadow markii uu damcay in garoonka ka dhoofo ciidan Nabad sugida ay u diideen in uu diyaarada raaco, waxa uuna xusay markii uu weediiyay ciidankaasi dambiga uu galayna aysan siin jawaab uu ku qanco.

“Waa run, in garoonka la iga celiyay, waxaa dhacday markii aan garoonka galayay in wiilal askar ah ii diidaan in aan diyaaradda raaco, oo ay iga soo celiyaan, waxay ay ii sheegen oo dembi ah oo aan galay oo i qanciyana wali ma hayo, haddii aan iri yaa I heystana waxay igu yiraahdeen anagu waxaan nahay xafiiska nabadsugida ee garoonka, amarkana waxaa nalaga siiyay xafiiska naga sareeya ee nabadsugida, in aad bixin oo bixitaanka aadan u fasaxnayn baa la nalagu amray ee Magaalada ku noqo” ayuu yiri Iimaan Cadaw.

Gudoomiyaha degmada Garbahaarey ayaa sheegay in uu hada ku xaniban yahay magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in uusan wali garaneyn cida heesata iyo waliba kiiska loo heesto ee loo xayirayo.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin warkan kasoo baxay Gudoomiyaha degmada Garbahaarey ee sheegay in lagu xanibay Muqdisho, waxa ayna arintan imaaneysaa xili Muqdisho ku xiran yahay Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiin Janan.

- Advertisement -