Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaan Muqdisho lagu karantiilay markii looga shakiyey cudurka COVID-19

Xildhibaan ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Hirshabeelle ayaa lagu Karaantiilay Magaalada Muqdisho, kadib Markii looga shakiyay Xanuunka COVID-19 sida allbanaadir.com ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xildhibaankan oo magaciisa lagu sheegay Khaliif Muumin Tooxow ayaa dayuurad looga soo qaaday Magaalada Jowhar oo xarun u ah Maamulka Hirshabeelle, kadib markii la sheegay inuu halkaasi ku Xanuunsaday.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaankan ay Saaxiibbo dhow yihiin Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo gobolka Hiiraan ay ka soo wada jeedaan.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in xildhibaanka lagu sameeyay baaritaan, balse illaa iyo hadda aan la helin wax Jawaab ah oo muujinaya in Xildhibaanka Xanuunsan uu qabo Xanuunka Coronavirus iyo in kale.

Xanuunka Coronavirus oo caalamka faro kulul ku haya ayaa waxaa illaa hadda Somalia laga helay 12 kiis, waxaana u geeriyooday hal qof, waxaana jira walaac badan oo laga qabo inuu dalka ku faafo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Iran oo Faah faahisay Sababtii loo soo riday Diyaaradii Ukrane ee ku bur burtay Tehran

Cabdi Cade

Xamse Barre oo kulan la qaatay Sheekh Sabaax Khaalid iyo Linda Thomas

Cabdi Cade

Ruushka oo laga diiday in la baaro qaraxyadii dhuumaha shidaalka ee Nord Stream

Cabdi Cade
Taboola Ads ---