Shir caalami ah oo beri ka furmaya Muqdisho iyo 50 dowladood oo ka qeyb galaya

Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya Somali Partnership Forum ayaa maalinta berri ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasoo socon doona labo maalin sida ku xusan War-saxaafadeed caawa ka soo baxay dowlada Somalia.

Shirkan ayaa ah wajiga labaad shirkii sanadkii hore ka dhacay Brussels, waxaana isugu imaanayaan Madaxda dowladda Fedaaraalka, Maamul goboleedyada, Hey’addaha kala duwan ee dowladda Federaalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo ka badan 50 dowladood.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo lagu casuumay shirkan ayaa la sheegay inaanu ka soo qeyb geli doonin, sababo la xiriira khilaafka dowladda Federaalka kala dhexeeya

Jubblanad ayaa sidoo kale la sheegay in laga casuumay Wasiirka Maaliyadda ka dib markii dowladdu is hor taagtay inuu ka soo qeyb galo Axmed Madoobe oo ay sheegtay ineysan aqoonsaneyn.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEED AY DOWLADU KAGA HADLEYSO SHIRKA BERI

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -