Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Puntland oo Shuruud adag ku xirtay ka qeyb galka Shirka Caalamiga ee ka furmaya Muqdisho.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni shuruud adag ku xiray ka qeyb galka Shirka Caalamiga ah ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee maanta ka furmaya Muqdisho.

Madaxda maamul goboleedyada Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa xiligan ku sugan magaalada Muqdisho, Madaxweynaha Puntland ayaana wali imaan Muqdisho halka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe aan shirkaba lagu casuumin.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa la sheegay in uu qaadacay ka qeyb galka shirkan caalamiga ee ka dhacaya Muqdisho, waxa uuna shuruud uga dhigay ka qeybgalkiisa in Axmed Madoobe marka hore shirka lagu casuumo kana soo qeyb galo.

Waxaa socda dadaalo lagu qancinayo Madaxweynaha Puntland si uu uga qeyb galo shirkan markii ugu horeesay gudaha Soomaaliya ka dhaca, lamana oga in Puntland go’aankeeda ku adkeesan doonto iyo in dabac imaan doono.

Dowlada federaalka Soomaaliya oon aqoonsaneyn Sheekh Axmed Madoobe ayaa la sheegay in badalkiisa shirkaasi ku casuumeen Wasiirka Maaliyadda maamulka Jubbaland oon wali la ogeyn in uu kasoo qeyb gali doono.

Shirka Iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya oo markii ugu horeesay Muqdisho ka dhacaya ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 50-Dowladood, Hay’ado caalami ah, iyo Ururo daneeya arimaha Soomaaliya, waxaana wajiga hore ee shirkan uu ka dhacay Biljamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Shiikh oo Safar saddex todobaad qaadanaya dalka kaga dhoofay

Caydiid Ali

(Akhriso) Puntland oo War ka soo saartay Xildhibaanada cusub ee Jubbaland

Caydiid Ali

Maxkamad ku taalla Pakistan oo xukun adag ku riday Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi Nawaz Sharif

Caydiid Ali
Taboola Ads ---