Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Caddaaladda oo gaaray Dhuusomareeb iyo howlgalka lagu xureenayo…

Waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug gaaray wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayay, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madsuuliyiin katirsan Galmudug iyo waxgarad.

Sida aan wararka ku helnay Wasiir Xasan Macalin ayaa u tagay magaalada Dhuusomareeb hoggaaminta howlgalka la filayo in Al Shabaab looga saaro degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri iyo deegaannada kale ee hoostaga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale ah taliyaha ugu sareeya ciidamada qalabka sida ayaa Dhuusomareeb saldhig ka dhigtay , si uu halkaasi uga hoggaamiyo howlgalka la doonayo in bariga Galgaduud looga saaro Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaana qorsheenaya in kulamo wadatashi la qaato wasiirada iyo xildhibaannada kasoo jeeda degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri kahor inta uusan si rasmi ah u bilaaban howlgalka xureynta degmooyinkaasi.

Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka ayaa wararka aan helnay sheegayaa in isagu masuul uga noqon doono beesha Murusade howlgalkan la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaannada ay beeshaasi degto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarad ay la socdeen Wafdi iyo qaar kamid ah Ilaalada Ra’isul Wasaare Kheyre oo ka degtay …

Cabdi Cade

KFC oo raaligelin ka bixisay cunsuriyad ay kula kaceen nin Naafo ah uu dhalay guddoomiye…

Cabdi Cade

Dhismaha Waddo muhiim ah oo kutaalla Muqdisho oo la dhagax-dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---