Xildhibaanada la safan Jawaari oo digniin ka bixiyey kulanka beri la isugu yeeray Baarlamanka

Xildhibaanada taageersan Gudoomiye Jawaari ee la baxay Badbaadada Baarlamaanka oo shir jaraa’id caawa ku qabtay Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa digniin ka soo qorshayaal ay sheegeen in la doonayo si aan dastuurkana waafsaqsaneyn in loo fuliyo taasoo ay ka digeen cawaqibka dhalan kara.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka mid ah xubaha ka hadlay shirka Jaraaid ayaa sheegay iney Madaxweynaha hordhigeen labo qodob oo kala ah in lagu dhaqmo dastuurka, isla markaana sanduuq lagu kala baxo, iyadoo goob joogayaal ay joogaan iyo in wada hadal siyasadeed lagu dhameeyo khilaafka taagan balse sida uu sheegay la diiday labadaba, lana doonayo in dastuurka la jebiyo.

“Waxyaabaha yaabka leh waxaa ka mid ah in la leeyahay Baarlamaanka hala jabsado oo gacmaha hala taago, waxaa nagu maqaalo ah in 200 oo ciidan lagu daad gureynayo Xarunta Baarlamaanka, Madaxweynaha shalay markii ay waan waanta socotay wuxuu codsaday in aan saxaafada laga hadlin, inta wada hadalka la wado, maantana isagoo Guddoomiyaha la joogo ayaa farriin soo dhacday, taasna waa ayaan darro” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare.

“Waxaa u sheegeynaa Umadda Soomaaliyeed in la diiday sanduuq in lagu kala baxo iyo in wada hadal siyaasadeed la galo, waxaa la raadinayaa in dastuurka lagu tunto oo fowdo la sameeyo” ayuu intaas ku daray xildhibaankan.

Xildhibaanad Fowziyo Maxamed Sheekh oo ka mid aheyd Guddigii ka socday Guddoomiye Jawaari ee la kulmay Madaxweynaha ayaa sheegtay in maalinta berri la balamiyay kulanka baarlamanka, lana doonayo in sharciga lagu tunto.

“Guddoomiye is casil sheekada waa ka weyn tahay, in dalkan dib loo celiyo ayaa la rabaa, berri ayayna ku egtahay, waxaa berri la isku balamiyay in sharciga la burburiyo oo gacan taag laga dhigo” ayey tiri Fowziyo.

Hadalka xildhibaanadan ayaa yimid ka dib markii uu fashil ku dhamaaday kulan galabta illaa caawa uga socday xarunta Madaxtooyada madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Jawaari kaasoo looga hadlayey xal u helida khilaafka baarlamanka, iyadoo dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka baarlamanka C/wali Muudey uu ku wargeliyey xildhibanada inuu beri jiro kulankii baarlamanka oo ajendihiisu yahay mooshinka Jawaari.

Inkastoo wadahadalo badan la galay haddana  Khilaafka labada dhinac ayaa u muuqda inuu weli ka taagan yahay halkii uu joogay todobaad ka hor hor, lamana oga waxa beri dhici doona iyo sida xaal noqon doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -