Xukuumada Somalia war cad ka soo saartay lacagtii maanta lagu qabtay garoonka Aadan cadde (Akhriso)

Dowladda Somalia ayaa caawa war cad ka soo saartay lacagtii faraha badneyd ee manta lagu qabtay garooonka aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaarada amniga gudaha ayaa looga hadlay arintan wuxuuna u qornaa sidatan:-

WAR-SAXAAFADEED:-
BOORSOOYIN LACAG LAGA SOO BUUXIYAY OO MAANTA LAGU QABTAY GAROONKA AADAN CABDULLE

Maanta barqadii abbaaro 11:40am waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad nooceedu yahay Boeing 737.

Diyaaraddan waxyaabaha ay sidday waxaa kamid ahaa 3 boorso aan calaamadeysnayn.

Hawl wadeennada garoonka ayaa sida caadada ahaydba waxa ay marsiiyeen baaritaan.

Shaqaalaha garoonka oo ka shakiyay boorsooyinka ayaa waxa ay xiriir la sameeyeen qeybta la dagaallanka argagixisada ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Waxaa la ogaaday in boorsooyinkan laga soo buuxiyay lacag Doollar ah, waxa ayna haatan ku jiraan gacanta dowladda si baaritaan dhameystiran loogu sameeyo.

Lacagta la qabtay waxa ay dhantahay 9.6 milyan (Sagaal milyan iyo lix boqol oo kun oo Doollarka Mareykanka ah).

Hay’adaha Amniga waxa ay haatan ku hawlanyihiin baaritaan ku saabsan halka ay lacagtu ka timid, meesha ay u socotay, dadkii ku lug lahaa iyo dantii laga lahaa in lacag intan la’eg lasoo geliyo dalka.

Wasaraadda Amniga Gudaha waxa ahy caddeynaysaa in aysan jirin wax xadgudub ah oo ka
dhacay garoonka intii lagu guda jiray baaritaanka iyo lasoo wareegidda boorsooyinka.

Waxaa jira waddamo aan xiriir la leenahay oo taakuleeya Dowladda Federaalka iyo laamaheeda kala duwan, balse taakuleynta dhaqaale waxaa Dowladda loo soo marsiiyaa  abraac waafaqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee la xiriira isu-gudbinta lacagaha.

=DHAMMAAD=

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -