Maxaa ka soo baxay kulan ay mar kale yeesheen Madaxweyne Farmaajo & Gudoomiye Jawaari?

Gelinkii dambe ee maanta ayaa xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho waxaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Waxaa kulankan oo socday muddo saacado ah diirada lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa khilaafka sii daba dheeraanaya ee ka taagan baarlamanka Somalia, iyadoo labada dhinac ay qabeen aragtiyo iska soo horjeeda.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo kulankaas ku dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka mar kale ka dalbday inuu is casilo, uuna u turo marxalada uu hadda dalka ku jiro, isagoo tusaaleeyey ineysan u furneyn wado kale maadaama ay ka soo horjeedaan inta badan xildhibaanadii soo doortay.

Hase ahaatee,  Prof. Jawaari ayaa mar kale ka soo horjeestay codsiga Madaxweynaha ee ah inuu tanaasulo, wuxuuna tilmaamay inuu ku yimid sharci, kuna baxayo codka kalsoonida, waxaana Jawaari ka muuqatay inuu ku dhegan yahay mowqifkiisii hore ee ahaa inuusan iscasileyn.

Saraakiil ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegay in kulankaas la isku mari waayey, aysana ka soo bixin wax natiijo ah oo ku saabsan xal u helida mushkilada ka taagan Baarlamanka.

Todobaadkii hore Madaxweynaha ayaa kulan sidan oo kale la qaatay Guddoomiye Jawaari kaasoo ay kaga wada hadleen xiisada siyaasadeed ee dalka, iyadoo ugu dambeyn lagu kala dareeray natiijo la’aan.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey ayaa maanta xildhibaanada ku wargeliyay in berri oo Isniin ah uu jiro kulanka Baarlamaanka, oo looga hadlayo Mooshinka Jawaari kaasoo aan la ogeyn inuu si habsami leh u qabsoomi doono iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -