Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Hanjabaadii Madaxweyne Erdogan oo Xiisad ka dhax abuuray Dowladaha Turkiga iyo Russia

Turkey iyo Russia ayaa is dhaafsaday hadallo kul kulul maanta oo Arbaca ah ka dib markii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu ku hanjabay in uu weerar ku qaadi doonno Syria, si loo dhameeyo waxa ay Ankara ugu yeertay howlgallada arxandarrada ah ee ciidamada Syria ay ka wadaan gobolka Idlib.

Tani ayaa imanaysa iyadoo hay’adaha gargaarka ee Syria ay soo saareen baaq degdeg ah oo ku aaddan in xabadda la joojiyo iyo in caawimaad caalami ah loo fidiyo dad ku dhow hal milyan oo qof oo ka cararaya dhibaatada ciidamada maamulka Asad ay ka wadaan gobolka ku yaalla waqooyi-bari dalkaasi ee Idlib.

Dowladda Turkey oo taageerta kooxaha fallaagada ee ku sugan Idlib, ayaa in muddo ahba kala hadleysay Russia in xabbada la joojiyo, iyadoo dooneysa in ay ka hortagto mowjado kale oo qaxooti ah oo dalkeeda soo gala kuwaasi oo sii kordhin kara 3.7 milyan oo qaxooti Syria u dhashay oo haatan ku nool dalkeeda.

Laakin Erdogan ayaa sheegay in wadahadalladii u danbeeyey ee dhexmaray Ankara iyo Moscow aan lagu guuleysan in natiijo wax ku ool ah laga gaaro, waxaana uu ka digay in Turkey uu qaadi doono howlgal uu ka fuliyo gudaha Syria waa haddii buu yiri aysan ciidamada Damascus isaga bixin gobolkaasi dhamaadka bishan.

Hase ahaatee, aqalka Kremlin ee looga taliyo Russia ayaa si degdeg ah uga jawaabay hanjabaadda ka soo baxday Erdogan, waxaana ay ka digeen in weerar lagu qaado ciidamada Syria ay tahay “xaallada ugu xun.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo furay shirka Madasha Dhaqaalaha Qaranka

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Xamse oo Gudoomiyey shirka Golaha Wasiirada Jubbaland (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo caawa geeriyooday & Qoorqoor oo ka hadlay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---