Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle (Daawo Sawirro)

Ra’iisul xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dalkaas, Mudane Ismaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadleen Arrimaha Amniga, Beeraha, Dhaqaalaha, Isgaarsiinta iyo Ciidanka Jabuuti (Hiil Walaal) ee Hawlaha nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahad celiyay Madaxweyne Geelle iyo dhammaan reer Jabuuti taageerada walaaltinimo ee ay la garab taaganyihiin Dawladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa Ballan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada walaaltinimo si loogu guuleesto Soomaaliya oo cagaheeda isku taagta.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa kulan Muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Jabuuti, Abdoulkader Kamil Mohamed oo ay sidoo kale ka wada hadleen xariirka wanaagsan ee labada dowladood iyo sida loo joogteyn lahaa taageerada lagu garab istaagayo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin wasiirka arimaha Dibadda, Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale ayaa shalay jabuuti ku tegay booqasho laba maalin qaadaneysa iyadoo la filayo in weftiga Ra’iisul wasaaruhu kasoo Barri Dalka dib ugu soo laabtaan.

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ah laba wadan oo walaala ah, derisna ah isla markaana leh xiriir wanaagsan oo soo jireen ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -