Ugaaska Xawaadle oo shaaciyay Sababtii ay u diideen Ciidankii laga qaadi lahaa Baladweyne

Odayaasha dhaqanka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa dhawaan ka hor yimid qorshe dowlada federaalka Soomaaliya ku dooneysay in ciidan uga qaado magaalada Baladweyne una geyso gobolka Galgaduud.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Baladweyne ayaa sheegay sababta ay Odayaasha u diideen ciidanka la sheegay in laga qaadi lahaa magaalada Baladweyne.

Waxa uu sheegay Ugaaska saraakiil dhawaan yimid Baladweyne uu qorshahooda ahaa in aysan ciidan ka qaadin magaalada Baladweyne balse ka qaadaan caruur ayna taasi kasoo horjeesteen .

Ugaaska ayaa cadeeyay in aysan iyagu diidin ciidan dowladeeda in magaalada laga qaado balse diidan yihiin in caruur yar yar magaalada laga qaado lana askareeyo, waxa uuna beeniyay in ay diidan yihiin in ciidan laga qaado magaalada.

Ugaaska ayaa sheegay in Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga uu la soo xiriiray islamarkaana weydiiyay sabata ay u diideen Ciidanka isaga oo taas ka jawaabayay ayuu sheegay in aysan Ciidan diidin ee ay Carruur diideen.

Waxgaradka magaalada Baladweyne ayaa kahor yimid qorshaha dowlada federaalka Soomaaliya ku dooneysay in ciidan uga qaado gobolka Hiiraan gaar ahana magaalada Baladweyne , ciidankaan ayaana la qorsheeyay in la geeyo gobolka Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -