Wasiiro ka tirsan Puntland & Galmudug oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Gaalkacyo (Sawirro)

Magaalada Gaalkacyo waxaa maantay kulan heer sare ah ku yeeshay laba wafdi oo ay kala hogaaminayeen wasiirka Amniga Gudaha Galmudug iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, kulankaasoo ay qeyb ka ahaayeen senatarro iyo xildhibaano labada aqal ee barlamaanka federaalka ah iyo dhanka kale wasiiro iyo xildhibaanno Galmudug iyo Puntland ka kala socday.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhanka amniga ee labada Dawlad Goboleed, xoojinta nabadda, xasiloonida magaalada Gaalkacyo iyo si wadajir ah la isaga kaashado ladagaalamo argagixisada laynaysa haldoorka umadda.

Kulanka ka dib ayaa waxaa shir jaraa’id wada qabtay labada Wasiir ee kala hogaaminaysay labada wafdi Md. Ahmed Macallin Fiqi wasiirka wasaaradda Amniga Galmudug iyo mudane Maxamed Dhabancad wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Waxay sheegeen In labada dhinac ay si rasmi ah isugu waafaqeen In wadajir looga shaqeeyo amniga iyo xasiloonada gobolka Mudug isla markaana lala dagaalamo argagixisada iyo kuwa gabbaadka u ah iyo cid kasta oo xasilooni darro iyo colaado abuuraysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -