Mareykanka oo Magdhaw ka bixinaya dad isku Qoys ahaa oo lagu dilay Weerar Khaldamay

Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay ka go’an tahay inay magdhaw siiso qaraabada10 qof oo lagu dilay weerar khaldamay oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ka fuliyeen magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, bishii August.

Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Waaxda Difaaca ay sidoo kale la shaqeyneyso Waaxda Arrimaha Dibadda si ay gacan uga geysato inay Mareykanka u soo guuraan xubnaha qoysaskan ka badbaaday.

Kirby wuxuu sheegay in arrintani ay ka dhalatay kulan Khamiistii dhex maray Dr. Colin Kahl, oo ah ku xigeenka xoghayaha difaaca ee dhinaca siyaasadda iyo guddoomiyaha hay’adda caalamiga ah ee Nafaqada & Waxbarashada Dr. Steven Kwon.

“Dr. Kahl wuxuu ku celiyay ballanqaadkii Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ee qoysaskan, oo ay ku jirto bixinta lacag magdhaw ah,” ayuu yiri Kirby.

Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby, ma aanu sheegin inta ay dhantahay lacagta la siindoono qoysaskan.

29 -kii bishii Agoosto, ayaa gantaalka Mareykanka ee Hellfire wuxuu ku dhacay baabuur uu waday Zemerai Ahmadi, waxaana duqeyntan ku dhintay guud ahaan 10 xubnood oo qoyskan ka mid ah oo ay ku jiraan toddoba carruur ah.

Toddobaadyo kadib, Gen. Frank McKenzie, oo ah madaxa taliska dhexe ee ciidmada dhulka ee Mareykanka, ayaa weerarkan ku tilmaamay “khalad aad u xun” wuxuuna sheegay in dhab ahaantii dad rayid ah oo aan waxba galabsan lagu dilay weerarkan.

Duqeyntan ayaa ka dambeysay qarax is-miidaamin ah oo ay fuliyeen kooxda la baxday Dawladda Islaamka oo ay ku dhinteen 169 qof oo Afgaanistaan ah iyo 13 askari oo ka tirsan milatariga Maraykanka oo ku sugnaa mid ka mid ah irdaha laga galo garoonka diyaaradaha ee Kabul dabayaaqadii bishii August.

Source-Voa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -