Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada : Xudur oo looga diyaar garoobay soo dhaweynta Ra’isul Wasaare Kheyre

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo xubno la socda ayaa maanta lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Magaalada Xudur waxaa ka socda diyaar garow xoogan oo lagu soo dhaweenayo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdiga la socda, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka guud ee magaalada Xudur.

Dadweyne badan oo wata sawirada Ra’isul Wasaare Kheyre iyo boorar soo dhaweyn ah ayaa lagu arkayaa wadooyinka magaalada Xudur, waxa ayna dadku isugu tagayaan goob fagaare ah oo loo qorsheeyay in Ra’isul Wasaaraha kula hadlo shacabka Xudur.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxa uuna Kheyre ku jiraa safar uu ugu kuurgalayo xaaladaha kala duwan ee ka jira maamulka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/9xsbc8aGzyU

 

Related posts

Xulka Croatia oo u gudbay wareega 8 dhamaadka iyo Xulka Japan oo..(Sawirro)

Caydiid Ali

Beesha caalamka oo War ka soo saartay heshiiskii Mucaaradka iyo Xukuumada

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo xafiiskiisa kula kulmay Xuseen Caydiid (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---