Yaa ka dambeeya dacaayada laga faafiyey Xafiiska Maaliyada G/Banaadir? (Xog Xaqiiqo ah)

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Ku Xigeenkiisa dhanka Maamulka iyo Maaliyadda oo wada hadlaya

Waxaa saacadihii ugu dambeeyey soo baxayey Warar lagu jahawareeriyey bulshada oo sixadooda aan la hubin kuwaasoo sheegaya in xafiiska Maamulka Maaliyada ee gobolka Banaadir ay heysato fadeexad la xiriirta lacago la lunsaday iyo qaar la isdaba mariyey oo ay ka dambeeyaan masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir.

Wararkaas ayaa sida loo dhigay sheegayey in masuuliyiin ka faa’iideystay geerida Ing. Yariisow ay lacag gaareysa hal milyan oo dollar kala baxeen akkoonka uu Maamulka gobolka Banaadir ku leeyahay Bankiga dhexe ee Somalia, kuwaasoo loo adeegsaday dhibaatadii ka dhacday xarunta dowlada hoose & tacsidii marxuum Eng. Yariisow.

Haddaba dabagal iyo baaritaan dheer oo ay sameysay warbaahinta gudaha qaarkood ayaa lagu ogaaday in wararkaas ay yihiin kuwo la been abuuray oo ay ka dambeeyaan siyaasiyiin iyo qurba-joog xafiiska Maamulka Maaliyada uu ka jaray dhaqaale si sharci daro ah bil kasta looga siin jiray xafiiska.

Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca Maamulka iyo Maaliyadda ee gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadalle oo dhowaan lagu magacaabay wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Somalia ayaa markii uu xafiiska yimid bilaabay isla xisaabtan, isagoo joojiyey dhammaan lacagihii sida aan munaasibka aheyn looga bixin jiray qasnada gobolka Banaadir taasoo uu kala kulmay mucaaradad xoog leh oo lagala hor yimid.

Xubno ku dhow Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in Siyaasiyiin iyo qurbajoog bil walba dhaqaale ka qaadan jiray xafiiska Maaliyadda ay bilaabeen iney dacaayado iyo warar been abuur ah ku baahiyaan baraha bulshada, iyagoo sidoo kale dhaqaale siiyey warbaahinta gudaha qaarkood si wararkaas been abuurka ah ay u tebiyaan.

“Ujeedadoodu waxay tahay iney qaataan dhaqaale aysan u dhididin oo canshuur ahaan looga soo qaaday bulshada Soomaaliyeed ee masaakiinta ah, si ay hotelada qaaliga ah ugu seexdaan, waxay adeegsanayaan baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood, balse masuuliyiinta cusub ee gobolka oo isku duuban uma jixin jixin dacaayada ay fidinayaan” sidaas waxaa yiri agaasime ka tirsan Waaxyaha gobolka Banaadir oo magaciisa uga gaabsaday sababo la xiriira iyadoo aan la ogoleyn inuu ka hadlo arrimo ka baxsan shaqadiisa.

“Waa arrin caadi iska ah marka la eego wejiga ay leedahay siyaasada Soomaalida in borobogaan iyo warar been abuur ah laga faafiyo masuul kasta oo isku daya inuu shaqadiisa u guto si daacadnimo ah, isla markaana ka hor yimaada inuu fuliyo danaha gaarka ah ee laga leeyahay, sideedana hadaad aragto masuul aan dacaayad laga fidineynin ama la amaanayo waa qof mar hore jeebka la gashaday” sidaas waxa yiri Maxamed Cumar Xasan (Loolow) oo ka tirsan aqoonyanada Soomaaliyeed.

Masuuliyiin ka tirsan xafiiska Maamulka Maaliyada ee gobolka Banaadir ayaa sheegay iney kalsooni buuxda ka heystaan madaxda sare ee dalka, aysana jirin cid ay uga heybeysanayaan gudashada waajibaakooda Qaran.

Waxay bulshada uga digayaan iney ku kedsoomaan Wararka been abuurka ah ee ay faafinayaan shaqsiyaad caado qaatayaal ah oo dantooda gaarka ah ay kala weyn tahay danta guud, waxayna balan-qaadeen iney shacabkooda ugu shaqeyn doonaan si hufan ayna mar walba diyaar u yihiin isla xisaabtan, iyagoo gudanaya amaanada loo dhiibtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -