Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

(Sawirro) Muuse Biixi & Wafdi uu horkacayo oo saaka u ambabaxay safar dibeda ah

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Safarkan shaqo oo qaadan doona muddo kooban ayaa isla maanta markay gaaraan dalka Jabuuti weftiga madaxweynuhu waxay la kulmayaan madaxda dalkaas.

Ujeedada safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay xoojinta xiriirka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya maamulka Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaa Madaxweynaha Safarka ku wehelinaaya wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, gaashaandhiga iyo xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

Related posts

Askar gaari kala goosatay Wasiir ka tirsan Jubbaland oo u galay Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaal la isku habeensaday oo ka socda degaanka Masjid Cali Guduud

Caydiid Ali

Burundi oo War cusub ka soo saartay ciidamada ka jooga Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---