Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal la isku habeensaday oo ka socda degaanka Masjid Cali Guduud

Waxaa soo baxaya faahfaahino cusub oo ku saabsan dagaal galabta illaa caawa fiidnimadii ka dhacay degaanka masaajid Cali-Gaduud ee gobolka Shabeellada Dhexe kaasoo dhexmaray ciidanka xoogga dalka iyo kooxda Al-Shabaab.

Al-shabaab oo isaga baxay maanta barqadii degaanka markii ay soo gaareen ciidamada dowlada oo aad u hubeysan ayaa galabta halkaas ku soo qaaday weerar rogaal celis ah, waxaana labada dhinac halkaas ku dhexmaray dagaal qaraar oo jilbaha la isku aastay kaasoo la isku adeegsaday hubka culus.

Sida ay sheegayaan wararkii u dambeeyey ee ka imanaya degaanka Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda ayaa labada dhinac uga kala  sugan degaanka Masaajid Cali-gaduud, waxaana weli degaanka laga maqlayaa rasaas culus.

Dagaalka ka dhacay degaankaas ayaa waxaa labadaa dhinac ka soo gaaray khasaare aad u culus oo dhimasho iyo dhaawacba leh

Ciidanka dowlada ayaa la soo sheegayaa inuu khasaare ka soo gaaray miinooyin lagu asayey wadooyinka gala degaanka, ugu yaraan hal gaari oo nooca dagaalka ah iyo dhowr askari ayay  miino haleeshay sida ay wararku nagu soo gaarayaan.

Dowlada Somalia ayaa galabta shaacisay in ciidamadeedi su buuxda ula wareegeen degaanka Masaajid Cali Guduud oo Al-shabaab fariisin weyn ay ku lahaayeen hase ahaatee sheegashadaas ayaa beenowday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

CIA-da Mareykanka oo War ka soo saartay geerida Prigozhin & cida ka dambeysay

Caydiid Ali

Deni, ururada siyaasada & Guddiga Doorashada Puntland oo go’aan wadajir ah soo saaray

Caydiid Ali

Warqadaha Aqoonsiga oo laga gudoomay Safiirka Somalia u fadhinaya Itoobiya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---