RW Khayre & Madaxda Sare ee Ahlu sunna oo kulan xasaasi ku yeeshay Dhuusamareeb

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Dhuusa-mareeb ku qaabilay Madaxda sare ee Ahlu suna.

Guddoomiyaha Ahlusuna Macalin Maxamuud iyo Madaxa fulinta Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa booqasho ugu tagay raiiusl wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre,iyagoo iska xog wareystay arrimo ku saabsan dadaalka wada jirka ah oo loogu jiro dib u heshiisiinta galmudug, taasoo ujeedkeedu uu yahay in laga wada tashado sidii loo unki lahaa Galmudug loo dhan yahay.

Kulanka ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sidii meesha looga saari lahaa madmadowgii u dhaxeeyay dowladda iyo Ahlusuna, looguna istaagi lahaa Maamul loo dhan yahay oo ay yeelato Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in 4ta bishan oo beri ku beegan uu si rasmi ah u furo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, kaasoo ay ka qeybgalayaan ergooyin kala duwan oo matalaya bulshooyinka ay quseyso arrinta Galmudug.

Ammaanka magaalada Dhuusa-mareeb ayaa si weyn loo adkeeyey, iyadoo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, inta ay socdaan howlaha dib u heshiisiinta iyo dhismaha maamul cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -