Burundi oo War cusub ka soo saartay ciidamada ka jooga Somalia

Burundi ayaa ku hanjabtay inay la bixi doonto dhammaan ciidamada shanta kun ee ka jooga Soomalia, haddii Midowga Afrika uu ku adkeysto kunka ciidammada Burundi ee laga saarayo Soomaaliya dhammaadka bishan.

Inkastoo ay jirto walaac laga muujinayo in Soomaaliya ay weli ka fogtahay inay cagaheeda isu taagto, haddana heshiiska Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in ciidammada nabad ilaalinta ee tiradoodu ay ka badan tahay labaatan kun ay tahay inay isaga baxaan dalka isla markaana ay ammaanka ku wareejiyaan ciidamadda Soomaaliya.

Arrimaha ay isku haystaan waxaa ugu weyn dhaqaalaha. bil waliba in ka badan labaatan kun oo ah ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee la dagaallama Al-shabaab, ayaa qofkiiba wuxuu qaataa lacag ka badan kun doollar.

Xukuumadda Burundi ayaa caddaalad daro ku tilmaantay in qorshaha haatan lagu doonayo in Kunka ciidan ee ugu horreeya ee Soomaaliya laga saarayo ay dhammaan ka soo jeedaan Burundi, iyadoo dooneysa in qorshaha ka bixitaanka ay u sinaadaan dhamaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -