(Sawirro) Dibad-baxyo looga horjeedo DF oo ka socda degaano ka tirsan Jubbooyinka

Degaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa saaka ka socda banaanbaxyo looga soo horjeedo xariga ay dowladda federaalka Soomaaliya u geysatay Wasiirkii Amniga Jubbaland C/Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan) oo Muqdisho ku xiran.

Banaanbaxyada ayaa illaa shalay waxay ka dhaceen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Jubboyinka iyo Gedo, waxaana si la mid ah maanta ka dhaceen degaanka Cabdalla Biroole iyo degaano kale oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Maamulka Jubbaland ayaa horay waxay u sheegeen in qaab afduub ah loo heysto Wasiirka Amniga Maamulkaas.

Booliska Soomaaliya ayaa horey u sheegay in Cabdirashiid Janan uu galay dambiyo kala duwan loona heysto eedeymo la xiriira xadgudub dhanka bani’aadam-nimada ah.

Hey’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa war ka soo saartay xarigii maalmo ka hor ciidamada dowlada Somalia kula kaceen Wasiirkii amniga dowlad goboleedka Jubbaland C/rashiid Janan.

Amnesty ayaa tallaabo wanaagsan oo muhiim ah ku tilmaamtay xarrigii Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo loo heysto xadgudubyo dhanka bani’aadam-nimada, waxaana ay ku baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad rayid ah loo soo taago.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -