Toogasho ka dhacday labo magaalo oo kutaala Mareykanka (Daawo Sawirada)

Nin hubeesan oo baabuur watay ayaa toogasho dhow qof lagu dilay kuwa badana lagu dhaawacay ka geestay labo magaalo oo katirsan gobolka Texas ee Maraykanka.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa ku warameysa in ninka hubeesan uu rasaas xoogan ku furay dad badan oo ku sugnaa magaalooyinka Odessa iyo Midland oo katirsan gobolka Texas.

War kasoo baxay booliiska gobolka Texas ayaa lagu sheegay in toogashadan lagu dilay shan qof sidoo kale ku dhaawacmeen dad ka badan 20-qof oo qaarkood dhaawacyo culus qabaan.

Booliiska ayaa toogasho ku dilay ninka lagu tuhmayo in toogashada ka dambeeyay oo cadaan ahaa , waxa sidoo kale booliiska baadi goob ugu jiraan dad kale oo la tuhmayo in weerarkan qeyb ka ahaayeen.

Dalka Mareykanka waxaa kusoo badanaya toogashooyinka ka dhaca goobaha ay dadku isugu yimaadaan, waxaana toogashadan ka horeesay mid afar todobaad ka hor ka dhacday magaalada El Paso ee gobolka Texas oo lagu dilay dad ka badan 20-qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -