Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Max’uud Sayid Aadan oo Saraakiisha AMISOM kala hadlay qodob Muhiim ah (Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir looga hadlayay arrimaha Amniga degaanada Jubbaland waxa uu degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo kula yeeshay Saraakiisha  AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ee ka howlgala gobolka Gedo.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa saraakiisha Ciidanka AMISOM kala hadlay sidii ay ugu qayb qaadan lahaayeen sugida amaanka degaanada maamulka Jubbaland iyo in Ciidamada Jubbaland ay ka gacan siiyaan sidii deegaanada Al-Shabaab ay ka joogaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo looga xoreyn lahaa.

Taliska ciidanka AMISOM ee Gobolka Gedo ayaa Madaxweyne ku xigeenka ka balan qaaday in ay qayb ka qaadanayaan arimaha amaanka ee deegaanada maamulkaasi iyo sidii  Al Shabaab looga saari lahaa deegaanada uu ka arimiyo maamulka Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sheegay inta uu ku sugan yahay  Gobolka Gedo in isbedel uu ku samey doono saraakiisha amaanka iyo Maamulada Degmooyinka qaar si sare loogu qaado nidaamka Maamul ee Gobolka Gedo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Xamse Barre oo la kulmay Ergay uu Dhawaan Magacaabay Madaxweynaha (Sawirro)

Cabdi Cade

Eey madaxiisa la dul dhigay lacag si loo dilo oo ilaalo gaar ah loo sameeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Dhulgariir laga dareemay magaalo xeebeedka Mombasa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---