Xukuumada Somalia oo ka hadashay sababta loo xiray Wasiirkii amnniga Jubbaland

Xukuumada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xarigii shalay ciidamada dowladu ugu geysteen magaalada Muqdisho Wasiirkii amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Janan.

Wasiir ku-xigeenka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxuud Cabduqaadir Hilaal ayaa sheegay in C/rashiid Janan loo heysto dambiyo kala duwan oo ay ku jiraan dilal sharci daro ah oo uu ku lug lahaa.

“Cabdirashiid Janan waxaa uu galay dembiyo la xiriira xadgudub dhanka bani’aadam-nimada ah oo ka dhacay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.

Wasiir ku-xigeenka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in Wasiirka amniga Jubbaland ay ku raad joogeen Booliska Caalamiga ah (Interpol) iyo Laanta danbi barista ee CID-da dhowaana la soo taagayo Maxkamad.

Maamulka Jubbaland ayaan ka hadlin illaa hadda xariga magaalada Muqdisho loogu geystay Wasiirkii amniga maamulkaas C/rashiid Janan oo laga cabsi qabo inuu sare u qaado xiisada ka dhex aloosan Axmed Madoobe iyo dowlada federaalka Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -