Danjiraha Faransiiska u fadhiya dalka Mali oo 72 saacadood loo qabtay

Dowlada Mali ayaa sheegtay inay ceyrineyso safiirka Faransiiska kadib hadallo cadowtinimo ah oo uu jeediyey, iyadoo tallaabadan ay sare u sii qaadeyso xiisadda labada dal

“Safiirka Faransiiska ee Bamako, Joel Meyer waxaa lagu wargliyey go’aanka ay dowladda ku weydiisaneyso inuu dalka uga baxo 72 saac gudahood.” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed laga akhriyey talefishinka Qaranka dalkaas

Tallaabadan ayaa su’aalo cusub gelineysa taageerada Militari ee Faransiiska uu siiyo dalka Mali, oo dagaal socda 10 sano ka badan kula jira kooxo Jihaadiyiin Islaami ah oo ka dagaalama woqooyiga dalkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Faranasiiska ayaa bayaan kooban oo ay soos saartay ku sheegtay inay ka war-hayso qoraalka, waxayna intaas ku daray inay ku garab taagan tahay saaxiibadeeda Yurub iyo xulufadeeda howlgallada ka dhanka ah Jihaadiyiinta.

Xiriirka labada dal ayaa xumaaday kadib markii ciidamada ay afgambi ku qabsadeen awoodda Bamako bishii August 2020, wuxuuna kasii daray markii afgambi labaad uu dhacay bishii May 2021.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa dhowaan sheegay in militariga Mali uu yahay sharci-darro, isla markaana go’aanadooda ay yihiin kuwa mas’uuliyad darro ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -