Wararkii Ugu Dambeeyay Xiisadii ka taagneyd Dhuuso Mareeb iyo Xal horu dhac ah oo …

Magaalada Dhuusomareeb waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyay dowlada federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Ahlu Sunna ee horey u maamulayay magaalada Dhuusomareeb.

Ahlu Sunna ayaa qoraal ay kasoo saartay dhawaan magaalada Dhuusomareeb ku sheegtay in uu bur buray heshiiskii ay la galeen dowlada federaalka, waxa ayna dowlada ku eedeeyeen in heshiiska dhinacooda ka bur buray.

Dhinaca kale Wasiirka arimaha gudaha Xukuumada federaalka ayaa isna magaalada Dhuusomareeb ka sheegay in uusan jirin heshiis ay dowlada federaalka uga baxday kooxda Ahlu Sunna, waxa uuna cadeeyay Wasiirka in wax ka qaldan yihiin dhinaca Ahlu Sunna.’

Kulamo xasaasi ah oon loo kala kicin ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Dhuusonareeb,kulamada ayaana u dhaxeeyay hogaanka Ahlu Sunna iyo sidoo kale guddi dhax dhaxaadin labada dhinac ka waday.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kooxda Ahlu Sunna ay sameesay tanaasul kana laabatay shuruudo iyo qodobo adag ay wadatay, waxaana kulan dhax maray Hogaanka Ahlu Sunna iyo Wasiirka arimaha gudaha lagu gaaray xal horu dhac ah.

Kulanka ay yeesheen Ahlu Sunna iyo Wasiirka arimaha gudaha ayaa la isku afgartay in si hoose loo xaliyo tabashooyinka jira, waxa ay sidoo kale labada isku fahmeen in laga wada shaqeeyo nabad galyada lagana fogaado waxii xasarad abuuri kara.’

Khilaafka siyaasadeed ee ka taagnaa magaalada Dhuusomareeb ayaa sidoo kale dhaliyay in kooxda Ahlu Sunna ay labo garab u kala jabaan, waxaana hada la sheegay in Hogaamiyaha Ahlu Sunna macalin Maxamuud talada si KMG ah ugu wareejiyay C/risaaq Al-Ashcari .

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in war kasoo saarto xalka hada laga gaaray khilaafkii kasoo cusboonaaday magaalada Dhuusomareeb, waxaana xalinta khilaafkan dadaal badan ku bixiyay Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Dhuusomareeb.

Kooxda Ahlu Sunna ayaa ka carootay ciidamada dowlada kasoo buuxisay magaalada Dhuusomareeb, waxa ayna kooxdu isku aragtay mid meesha laga saaray awoodii iyo taladii ay ku laheyd magaalada Dhuusomareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -