Somaliland oo ka hadashay dhalinyarada u shaqo doonta dowlada Somalia

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay hoggaanka dallada dhallinyarada ee SONYO.

Hoggaanka dallada dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo uu hoggaaminayo, Gudoomiyaha Dalladda SONYO, Cabdicasiis Maxamed Jaamac ayaa ugu horrayn madaxweynaha ku bogaadiyey sanduuqa dhallinyada ee uu Aas-aasay iyo sida uu mar walba ugu hagar baxo dhallinyarada dalka, xilka weynna isaga saaro inay da’yartu hoggaanka dalka qayb ka noqdaan.

Waxa kale oo uu guddoomiyuhu laab lakac ku tilmaamay fursadaha ay dhalinyarada reer Somaliland ka heleen dowladda Soomaaliya, kuwaasoo uu sheegay iney uga dan leedahay burburinta qaranka Somaliland.

Dhalinyarada reer Somaliland ayuu ugu baaqay iney ilaaliyaan sharafta dalkooda iyo calankooda, aysana u shaqo doonanin magaalada Muqdisho iyo dowlada Somalia intaba.

Madaxweynaha, ayaa dhinaciisa hoggaanka cusub ee dallada SONYO kula dardaarmay inay dardargeliyaan xilka culus ee loo igmaday, una guntadaan sidii guud ahaanba dhallinyarada Somaliland ay ugu hilaadin lahaayeen hir cusub oo barwaaqo leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -