Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro laga soo qaaday Warshadii Sonkorta sameyn jirtay ee Mareerey

Wariyaal katirsan Warbaahinta Al Shabaab ayaa booqday sidoo kale sawiro kasoo qaaday Warshadii Sonkorta sameyn jirtay ee Mareerey oo kutaala duleedka Deegaanka Hargeysa Yarey ee gobolka Jubadda Dhaxe.

Qalabka Warshada Sonkorta Mareerey ayaa u muuqda mid aan wax faa’iido ah laheyn xiligan, waxaana warshada soo gaaray bur bur xoogan , waxaana kaliya qalabkii warshada kasoo haray biro daxaleestay.

Qaar kamid ah dadkii ka shaqeyn jiray Warshadaasi ayaa sheegay in ay soo saari jirtay sonkor badan, waxa ayna hada sheegeen in qalabkan uusan waxba tareyn saameyna ku yeesnhay bur burkii dalka ku dhacay.

Warshadihii kala duwanaa ee dalku lahaa ayaa gabi ahaan bur buray markii ay meesa ka baxday dowladii Dhaxe ee Soomaaliya, mana jirto ilaa hada dowada dib u howl galisay Warshadihii kala duwanaa ee dalku lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Gustavo oo shaaciyey inuu diinta Islaamka qaadanayo

Caydiid Ali

DEG DEG: Ilhaan Cumar iyo Xildhibaano kale oo lagu xiray Mareykanka (Sawirro)

Caydiid Ali

Guuleed Biixi Cabdi oo loo doortay Xildhibaan katirsan golaha Shacabka Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---