Dowlada oo Amar kusoo rogtay diyaaradaha taga iyo kuwa ka yimaada Kismaayo

Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku socda diyaaradaha taga iyo kuwa ka yimaada magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ayaa ku wargalisay diyaaradaha tagaya iyo kuwa ka imaanaya magaalada Kismaayo in ay soo maraan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde si loo hubiyo.

Amarkan kasoo baxay Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ayaa looga gon leeyahay in lagu hubiyo lagulana socdo diyaaradaha taga iyo kuwa ka yimaada magaalada Kismaayo .

Maamulka Jubbaland uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa intii ay socdeen doorashooyinkii hogaanka Jubbaland amar ay soo saareen ku joojiyay duulimaadkii tagi jiray magaalada Kismaayo.

Go’aankan dowlada federaalka Soomaaliya kasoo baxay ayaan la ogeyn in uu yahay mid siyaasad ku lug leh iyo in kale, waxaana amarkan soo baxaya xili la filayo magaalada Kismaayo ay ka dhacdo xaflad uu isku caleema saarayo Sheekh Axmed Madoobe.

Maamulka Jubbaland ayaan wali ka hadlin amarkan  dowlada federaalka Soomaaliya kusoo rogtay diyaaradaha taga iyo kuwa ka yimaada magaalada Kismaayo, waxaana la filayaa in Jubbaland arintan war kasoo saarto saacadaha soo aadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -