Madaxweyne Deni oo la kulmay Madaxweynaha Oramada Itoobiya (Daawo Sawiirro)

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo booqasho ku jooga dalka Itoobiya ayaa ka qayb galay kulan casho sharaf ah oo uu u sameeyey Madaxweynaha Oromada ee dalka Itoobiya Mr. Shimelis

Kulankan Casho sharafta ah ee uu Madaxweynaha Oromada u sameeyey Madaxweynaha a Puntland ayaa ka qabsoomay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana looga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga ganacsiga ee labada dhinac.

Kulanka Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Oromada ee dalka Itoobiya Shimelis ayaa kusoo dhammaaday guul iyo is afgarad.

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Deni oo safar ku jooga magaalada Adis Ababa ayaa la filayaa in uu la kulmo madax kale oo katirsan dowlada Itoobiya ayna kawada hadlaan arimo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -