Nin kamid ah Guddiga Dhaqaalaha Qaranka Somalia oo Ra’isul Wasaare noqday (Sawirro)

Dr. Abdalla A. Hamdok oo katirsan guddiga Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya ayaa loo magacaabay in uu noqdi Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Sudan , kadib heshiis ay wada gaareen Mucaaradka Sudan iyo Milatariga talada dalkaasi la wareegay.

Ninkan oo ah dhaqaalyahan ayaa kamid ahaa xubnaha guddiga dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya , waxa uuna ninkan horey usoo noqday ku-xigeenka xoghayaha iyo madaxa dhaqaala yahannada guddiga dhaqaalaha qaramada midoobay u qaabishan Afrika.

Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Sudan ayaa shahaadada  PhD ka heestaa dhaqaalaha, waxa uu sidoo kale ahaa  falanqeeye siyaasadeed oo khibrad ka badan 30 sano u leh dib u habaynta ha’aydaha dawliga ah, dawlad wanaagga iyo maamulka Khayraadka.

Dr. Abdalla A. Hamdok ayaa la filayaa in uu baneeyo xubanimada guddiga dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya uu kamid ahaa, waxaana ninkan marar badan howlo shaqo u yimid magaalada Muqdisho.

Guddiga Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya oo ka kooban 9-Xubnood ayaa isugu jira ajaaniib iyo Soomaali, waxaana guddigan u badan yihiin kuwa lagu soo xulay aqoonta iyo khibrada ay u leeyihiin arimaha Dhaqaalaha.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -