Muwaadiniin Kenyan ah oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Jubbaland (Akhriso Magacyada)

Magaalada Kismaayo waxaa dhawaan la filayaa in ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulka Jubbaland, waxaana doorashada ku tartmaya Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Axmed Madoobe iyo musharaxiin kale oo kasoo horjeeda.

Musharaxiinta damaca uga jiro in loo doorto xilka Madaxweynaha Jubbaland waxaa ku jira siyaasiin heesta dhalada dalka Kenya , waxa ayna siyaasiyiintan inta badan waqtigooda kunoolaayeen gudaha dalka Kenya.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa shaaciyay in sadex kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha maamulka Jubbaland ay heestaan dhalashada dalka Kenya ,waxa uuna Musharaxiintan sheegay in uu damac xoogan uga jiro hogaaminta Jubbaland.

Siyaasiyiinta heesta dhalashada dalka Kenya ee u tartamaya doorashada Jubbaland ayaa Wargeyska The Star magacyadooda ku sheegay Maxamed Shakuul, Maxamed Marsheeye  iyo Abdi Raage.

Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegay in taageero badan ka kala helayaan Dowladaha Kenya, Itoobiya iyo Qadar, dowladahan ayaana dano gaar ah ka leh Jubbaland.

Dowlada Kenya oo dooneysa in ay boobto bariga iyo badda Soomaaliya ayaa aad u taageersan Sheekh Axmed Madoobe oo Kenya xageeda u jan jaeera una rumeyn kara dowlada Kenya riyadeeda boobka Kheyraadka iyo dhulka Soomaaliya.

Doorashada la filayo in ay ka dhacdo magaalada Kismaayo ayaa ah mid mugdi badan ku jiro uuna hareeyay buuq, waxaana qaabka ay ku socoto doorashada ka hor yimid Dowlada federaalka iyo Beesha Caalamka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -