Sare u kac mar kale laga dareemay Qiimaha shidaalka caalamka ka dib markii

Qiimaha Shidaalka caalamka ayaa sare u kac weyn sameeyey mar kale ka dib markii madaxda Midowga Yurub ay xalay ku heshiiyeen in Ruushka laga mamnuuco soo dejinta Shidaalka.

Saliida Brent ayaa kor u kacday oo halkii foostaba gaartay 123 dollar maalintii talaadada, waana heerkii ugu badnaa ee uu gaaray muddo laba bilood ah.

Qiimaha saliidda iyo gaaska ayaa sare u kacay bilihii la soo dhaafay, taasoo uu uga sii daray dagaalka Ukraine ka qarxay.

Shidaalka Ceyriin ayaa sidoo kale kor u kacay in ka badan 70% sanadkii la soo dhaafay. iyadoo Ruushka 27% uu soo saaro saliidda ay isticmaalan wadamada EU-da.

Cunaqabataynta Ruushka ay ku soo rogeen midowga Yurub ayaa hadda uga sii dartay xaalada, hadda 40% qiimihii saliidda Midowga Yurub ayaa mar kale kor u kacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -