Xil ka qaadisti Wasiirka Waxbarashada ma Cadaalad baa Mise?

Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa 26-ka July 2018 waxaa xilkii Wasiirka Waxbarashada looga qaaday Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.

Xil ka qaadista ayaa imaneysa xilli Wasiirka uu ka sheegay warbaahinta in uusan aqoonsaneyn dhamaan Jaamacadaha dalka oo ay ku jirto Jaaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ay maamusho Dowlada.

Hadalka wasiirka ayaa dad badan aad uga xumaaday, haba ugu badnaadeen ardaydii jaamacadaha dalka wax ku baratay ama kuwa hadda ku baranaya.

Hadaba xil ka qaadista wasiirka ma hadalkaas ayaa sababay?

Hadii ay tahay in wasiirka xil ka qaadistiisa uu ku muteystay hadalka uu ka sheegay warbaahinta waxaa la oran karaa waa mid caddaalad darro ah, sababahan soo socda awgood:

In ka badan 60 lixdan jaamacadood ayaa u diiwan gashan wasaaradda waxbarashada sida uu sheegay wasiirki hore, laakin marka aad milicsato tayada waxbarasho ee ay ugu deeqaan ardayda soomaaliyeed waa mid aad ugu liidata in loo aqoonsado heer jaamacadeed, sida xaqiiqda ah jaamacadaha dalka badankood waxay u furanyhiin qaab ganacsi ah, waxaadna ka dareemi kartaa kumannaaka sida fudud bil kasta kaga qalin jabiya iyo heerka aqoontoodu gaarsiisantahay, tiiyoo ay u dheertay in luuqado aysan si fiican u garaneyn wax lagu baro, agabka waxbarashada oo gaabis ah iyo tababaro ku filan oo aysan helin, wallow ay jiraan jaamacado dhowr ah oo waxoogaa tayo ahaan wanaagsan heer jaamacadna soo gaaray, laakin inta badan waa kuwa ka hooseeya heerka tayo jaamacad, waana macquul hadalki wasiirka inan la aqoonsan mar hadii aysan buuxin shuruudihi jaamacad lagu noqon lahaa. Run sheeg waa Ceeb sheeg!

Wasiirki waxbarashada ayaa horumar dhanka waxbarashada kusoo kordhiyay dalka iyadoo ay ugu danbeysay daabacaaddi manhajka dugsiga-hoose, waxaa howshiisa socoto midka dugsiga dhexe sido kale diyaarinta iyo isku daba-ridka imtixaanaad mideysan oo guud ahaan dalka si hufan uga dhacay. Su’aashuse waxey tahay ma ficil baa xil la isaga qaadaa mise hadal?

Hadii uu xisaabtan jiro oo wasiir kasta hadalkiisa iyo ficilkiisa lagula xisaabtamayo, wasiirka waxbarashada ayaa u muuqda shaqsi kasoo baxay howshii loo xil saaray, laakin hadii hadal xil la iskaga qaadayo,15-kii bishan July-2018 wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa warbaahinta si cad uga sheegay in dadka ka hadla xirnaashiyaha wadooyinka muqdisho ay yihiin kuwa ay ka dhex hadlayaan Alshabaab, taaso gef weyn ku ah shacabka soomaaliyeed oo la tacaalaya dhibaatada jid-xirnaashaha marka ay ka hadlaan dhibta heysatana sidaasi lagu tilmaamo! waana hadal ka saameyn badan hadalki wasiirki waxbarashada.

Hadii ficil la isaga qaadayana, wasiirka amniga ayaa ah mid ku fashilamy howshiisa loo igmaday, iyadoo shacabka soomaaliyeed maalin walba dhiigooda daadanayo xilli la sugayo inuu amaankooda wax ka qabto.

Si kastaba ha ahaatee, Waxaa muuqata xukuumadda Xasan Cali kheyre inaysan u degsaneyn mabaadi’ ama qodobbo oo uu wasiir xil ku weyn karo. yeelkeede, dhamaan wasiiradi laga qaaday xilalka ma cadda illaa iyo hada sababta ka danbeysay, marka laga soo tago hadalada dadka ay isla dhexmaraan.

W.Q Abdinasir Safaana

Email:Safaanahaji@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -