Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidamada iyo saraakiisha Amniga ee Dhuusomareeb oo la amaanay (Daawo Sawirada)

Waxaa xalay magaalada Dhuusomareen ee xarunta maamulka Galmudug ka dhacay kulan looga hadlayay adkeynta amaanka magaaladaasi, waxaana kulanka ka qeyb galay Wasiirka Amniga xukuumadda  Soomaaliya Xildhibaan Mamxamed Abuukar Islaaw.

Kulanka ayaa looga hadlay laba jibbaaridda dalaallada lagu adkeynayo amniga guud,  gaar ahaan inta uu socdo shirka dib-u-heshiisiinta ee dhawaan furmaya,  looguna diyaar garoobayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Saraakiisha ayaa wasiirka uga war bixiyay sida ay u wadaan amni sugidda caasimadda iyo howl-gallo kale oo ay ka sameeyeen deegaanno kale oo ka tirsan Galmudug.

Wasiirka amniga gudaha ayaa saraakiisha iyo ciidanka ku ammaanay shaqada adag ee ay hayaan waxa uuna ku boorriyay in ay sii wadaan si loogu guuleyso dhismaha hay’adaha dowladeed ee Galmudug.

.

Related posts

Maraykanka oo digniin kama dambeys ah siiyey Turkiga & xiriirka labada dal oo meel adag maraya

Caydiid Ali

Somalia: Tirada dadkii ugu dambeeyey ee laga helay COVID-19 oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Maraykanka oo ciidamo hor leh geeyey garoonka dayuuradaha Kabul (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---