Boqolaal Xujay Soomaali ah oo aan gudan acmaashii Xajka iyo sababta ka dambeysa

Xujey Soomaali ah oo ku sugan magaalada Makka ee dalka Sacuudiga oo tiradoodu gaareyso 400 ayaa la sheegay inaysan weli gudanin waajibaadka xajka iyagoo eedeymo u jeediyey shirkadaha loo idmay inay xujayda u adeegaan.

Xujeydan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirkadihii keenay ay meel cidlo ah isaga tuureen, isla markaana ay garan waayeen sida loo guto waajibaadka xajka iyo cid gacan ka siisa.

Waxa ay sidoo kale sheegeen inaysan helin meel degaan ah oo ay seexdaan iyo cuno ay ku noolaadaan, ayna waayeen meel ay ciirsadaan.

Cabashada xujayda ayaa waxaa ka jawaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta Cusmaan Aadan Dhuubow oo isna ku xugan Xajka, isagoo sheegay in arintan ay tahay wax aad loola yaabo, ayna baaritaan ku sameynayanaan waxa ka jira dhacdadan.

Shirkadaha Soomaalida qaarkood ayaa lagu eedeeyaa in marka ay lacagta ka qaataan xujayda ayna geeyaan magaalooyinka barakeysan ay meel cidlo ah uga dhaqaaqaan dadka ay masuulka ka ahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -